Skip to main content
Image
Cityscape

Soomaali

Ogow xuquuqahaaga Markaad Wajahayso Hay'adaha Sharcifulinta Socdaalka

Dadka soo-galootiga ah waxay weligood ahaan jireen laf-dhabarta horumarka wadankeena illaa iyo muddada qaranka la aasaasay. Dad badan oo soo galooti iyo qaxooti ah ayaa ka soo cararay dagaal, dulmi iyo dhibaatooyin dhaqaal-bulsheed oo ka jira waddankooda si ay fursaddo wanaagsan uga soo raadsadaan Waddanka Maraykanka.

Nasiib darrose, nidaamka socdaalka iyo soo galootiga ee waddankeena waa mid aasaasi ahaan caddalaad darro iyo dadnimo xumo ku dhisan. Halkii uu naxariis iyo gacan bini'aadanimo u fidin lahaa dadka soo galootiga iyo qaxootiga ah, dalkeena wuxuu ula dhaqmaa iyaga sida dambiilayaasha. Arrintaan waxaa keliya uga sii daray Madaxwayne Donald Trump iyo Maamulkiisa.

Aynu arrinta caddayno – xaqa iyo cadaadaladdu waa aasaaska nidaamkeena sharciga. Dhib malahan waxa ay tahay xaaladdaada soo galootiga — Xaquuqqo ayaad leedahay sida uu qabo Dastuurkeena, oo waa inaad ka warqabta waxa ay tahay xuquuqdaasi markii ay noqoto mid lagama maarmaan ah.

Hoos waxaad ka helaysaa xuquuqahaaga aasaasiga ah markaad toos u joogto Waddanka Maraykanka. Baro waxay yihiin iyo sidii aad u adeegsan lahaydba, ha noqoto markaad joogto gurigaaga, ka baxsan bulshadaada, ama aad joogto meel kale.

Sii fiican isku deji oo ha cararin.

● Haddii aad cararto, Dhaqangelinta Socdaalka iyo Kastamada (Immigration and Customs Enforcement, ICE) ama boolisku dacwad kaa dhan ah ayay kuu adeegsan karaan.

Waxaad xaq u leedahay inaad aamusnaato.

● Waxaad xaq u leedahay inaad aamusnaato. Haddii aad rabto inaad adeegsato xaquuqdaan, cod dheer ku dheh.
● Waxaad xaq u leedahay in lagaaga jawabo su'aal kasta oo aad qabto.
● Waxaad xaq u leedahay in aadan waxba ka sheegin halka aad ku dhalatay ama sida aad ku soo gashay Maraykanka.

Waxaad xaq u leedahay in aad la hadasho qareen.

● Islamarkiiba dalbo qareen. Waxaad odhan kartaa "waxaan u baahnahay inaan qareen la hadlo."
● Waajib kuguma aha inaad saraakiisha tusto wax waraaqo ah ka hor inta aadan la hadlin qareenka.
● Waxaad wadan kartaa qareenkaaga haddii ICE ama hay'ad kale oo sharci fulinta ah su'aalo ku waydiinayaan.
● Haddii ay ku xiraan saraakiisha hay'adda socdaalka, waxaad xaq u leedahay inaad la tashato qareen, laakiin dawladda waajib kuma ah inay qareen kuu keenaan. Waxaad waydiin kartaa liiska talooyin sharciyeed oo qiimo jaban oo aad heli karto.
● Waxba ha saxiixin illaa adiga oo la hadla qareen maahane. ICE waxay isku dayi karaan inay kugu dirqiyaan inaad iska dayso xuquuqdaada helitaanka qareenka ama xaakin. Hubi inaad fahamto waxa ku qoran dukumeentiga ka hor inta aadan saxiixin.

Uma baahnid inaad furto albaabkaaga adiga oo ku maqan damaanad sax.

● Si loogu oggolaado inay gurigaaga soo galaan, ICE waa inay wataan amar qabasho ah oo soo saxiixay xaakinka oo ay ku qoran yihiin magacaaga iyo cinwaankaaga oo sax ah.
● Ha furin albaabkaaga illaa wakiilka ICE ku tuso amarka qabashada saxda ah.
● Haddii wakiilka ICE rabo inuu ku tuso amarka qabashada, waxay kaa dhex tusi karaan daaqadda ama waxay kaaga soo dusin karaan albaabka hoostiisa.
● Haddii boolisku ay sitaan amar soo-xirid ah, sharciga ayaa u oggol inay galaan guriga qofka waaranka ku qoran haddii ay aaminsan yihiin in qofku guriga ku jiro. Laakiin amarka qabashada saarista/musaafurinta (FoomkaI-205) waxa laga yaabaa inaanu booliska u oggolaan inay galaan guriga haddii aanay jirin xaalado lagama maarmaan ka dhigaya (tusaale, khatar soo wajahaysa dadwaynaha, inay suurtogal tahay in caddayn la qarinaayo) ama aanu milkiilha guriga oggolaan.

Had iyo jeer wado wixii waraaqo aqoonsi ama socdaal sax ah oo aad haysato karto.

● Haddii aad ka wayn tahay 18, marwalba sido waraaqahaaga. Haddii aadan haysan waraaqo, u sheeg sarkaalka inaad rabto inaad aamusnaato, ama inaad rabto inaad la hadasho qareen ka hor inta aadan ka jawaabin wax su'aalo ah.
● Haddii aad haysato rukhsad shaqo oo shaqeynaysa ama kaarka cagaaran (green card), hubi inaad wadato waa intaas oo aad u baahato inaad tusto aqoonsi ahaan darteed.
● Haddii aadan ahayn muwaadin Maraykan ah oo wakiil hay'adda socdaalka ka socda kaa codsado waraaqahaaga socdaalka, waa inaad tusto haddii aad wadato.
● Haddii sarkaal socdaal kaa codsado hadii uu ku baari karo, waxaad xaq u leedahay inaad maya tidhaado. Saraakiishu xaq uma laha inay ku baaraan ama hantidaada baaraan oggolaansho la'aan ama haddii aanay jirin sabab kale oo macquul ah.
● Ha sidanin wax waraaqo ah oo ka socda waddan kale, sida baasboor ajanabi ah. Waraaqahaan waa laguu adeegsan karaa marka nidaamka musaafurinta la wado.
● Ha qaadan oo ha wadan wax waraaqo foojari ama been abuur ah.
● Marwalba wado kaarka ogow xuquuqahaaga si uu kaaga caawiyo adeegsiga xuquuqahaaga haddii ay saraakiisha ICE ama boolisku ku joojiyaan.

Haddii aad la kulanto hawl ICE waddo sida qabasho ama weerar, waxaad xaq u leedahay inaad kaydiso sida inaad muuqaal ka duubto, sawirro ka qaaddo, ama qoraal ahaan u kaydiso.

La yeelo qorshaha xaaladda degdeg ah qoyskaaga, la sii xiriir qareen, maskaxda ku xafid ugu yaraan hal lambar taleefoon ah oo xaaladaha degdegga aad u adeegsan karto.

AFEEF SHARCI: Dukumeentigaan waxaa loogu talagalay ujeedooyinka macluumaadka guud oo keliya. Waxa ku qoran ma’ahan talo sharciyeed. Haddii aad u baahan tahay talo sharci ah, fadlan la xiriir qareen ama sharciyaqaan.